Machad Taajulquraan online
  • Bogga Hore
  • Fadliga Quraanka

Nagala soo xiriir

whats up

Tel:+ 252634166395 

Micorosoft teams:

Microsoft Teams | Thomas-Krenn.AGmacalincabdicaziiz

Saad alghamidi

Saad alghamidi

  1. You are here:  
  2. Home

Machad Taajulquraan Online

Machad Taajul Quraan Online waa machad online ah oo aad ka baran karto quraanka kariimka ah iyo hingaada iyo Duruus islaami ah.

machadka ardayda dhigtaa waxay  ku kala noolyihiin yurub  iyo Australia iyo Ameerika.waxaa dhigan Kara qofkasta Caruur iyo Waalidiin

Machadka waxa uu jiraa oo la aas aasay  2012 .waxaa wax ka dhiga macalimiin khibrad uleh Duruusta ay dhigayann.

ku saabsan macalinka

Macalin ama bare waa midka gaarsiiya bulshada himiladeeda runta ah oo ka badbaadiya bulshada uu dhexjoogo mugdiga iyo Jahliga, oo sidoo kale Gaarsiiya ummadda baraaraha cilmiga iyo aqoonta heer ka gaartay. Hawlaha macalinka iyo shaqadiisa dhabta ah marka ay caruurta yaryari ku soo barbaaraan marka hore guriga dabadeedna ay wax ka soo kororsadaan bulshada degen xaafadooda, caruurta waxaa la geeyaa ama ay tagaan Dugsi Qur'aanka lagu barto iyo iskuulada aqoonta maadiga ah lagu barto waxayna dhexda ka galaan bulsho ka balaaran tii guriga iyo middii xaafadda ay deganayeen. Sida maamul wax u kala habeeya una maamuuso dadka meesha isugu yimid oo isugu jira dad waawayn iyo kuwo yaryar oo aan wax badan garanayn una baahan turis iyo naxariis fara badan, sidoo kale waxay leedahay bulshadaan shaqaale u heelan sidii ay wax uga qaban lahaayeen wax kasta oo meesha loo yimid kuna saabsan tacliin barasho. Waxaa kaloo bulshadaan ku jira arday oo iyagana meesh loo keenay in ay wax bartaan garaadkoodana lagu kobciyo iyo macalimiin hoga tusaleeya oo tilmaan guud iyo mid gaar ah ka bixiya aqoonta la baranayo. Arrimaha nocaan ah ayaa saameyn toos ah ku leh Arday kasta, Macalinkana waa hogaamiyahooda sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay Ardayga iyo waalkii dhalay, xiriirkaas waa mid ku saabsan dhaqan toosin iyo waxbarasho, taana waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu kudaydo Macalinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan. Sidokale Baraha ama Macalinka wuxa uu sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilasha soo koraya ee Bulshada. HEERARKA UU SOO MARAY MACALINKA Marka aan fiirino Macalinka Somaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar & duruuf kala duwan badankeeduna waxa ay ahayd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeed xagga shaqada & xagga xuquuqda. Sideedana Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah: Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa iyo mid kaloo iyana ku saabsan noloshiisa guud ahaneed.

guests

We have 8 guests and no members online

quraan